Howlgal dad badan lagusoo qabtay oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- In ka badan 100 qof ayaa lagu qabtay Howlgal ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir.

Capt. Maxamed Xuseen oo ah sarkaal amni, ayaa sheegay in baaritaankan ka sameeyeen degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhigleey, kadib markii ay soo kordheen falalka amni darro ee ka dhacay qaybo kamid ah caasumadda Somalia.

Dadka lagu soo qabtay Howlgalka oo u badan dhalinyaro ayaa saaka waxaa la isagu geeyay Fagaaro weyn oo ku yaalla Xaafada Xararyaalle ee degmada Wardhigleey.

Laamaha amniga ayaa dadkan baaritaan ku sameeyay si loo kala saaro tuhmanayaasha iyo kuwa aan wax dambiya lahayn.

Saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii daayeen 70 ruux, inta hartayna baaritaan dheeri ah ku marsiinayaan xarunta dembi-baarista ee (CID), islamarkaana qofkii lagu helo dembi loo gudbin doonaan maxkamad.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatey ciidamada AMISOM, oo inta badan ka caawiya Hay'adaha nabad-galyada dowladda Somalia baaritaanada gaarka ah ee ka dhacay xaafadaha magaalada Muqdishu.

Ma aha markii ugu horaysay baaritaan noocan ah laga sameeyo caasumadda dalka, balse waxay kusoo aaday xilli dilal iyo qaraxyo tiro badan kooxda Al Shabaab fulisay muddooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM