Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu dilay xubno uu ku jiro sarkaal Ajnabi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidanka xooga Soomaaliya ayaa wuxuu maanta oo Arbaco ah wuxuu sheegtay in howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in xubnaha la dilay ay labo kamid yihiin horjoogayaal sarre.

Muuse ayaa daboolka ka qaaday in mid kamid ah saraakiisha uu abaabulay weerarkii dhimashada badan sababay ee 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka kale ayuu carabka ku dhuftay inuu udhashay dalka Pakistan, inkasta oo uusan shaacin magacyadda xubnahaan sarre oo uu tilmaamay in lagu khaarijyey howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda.

“Ragii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe ka qayb qaatay ayaan ku dilay howlgalka. Nin kae oo udhashay Pakistan ayaan dilnay, oo isana kuwa Miinoouinka dhigta kamid ah,” ayuu hadalkiisa udhigay Abaanduulaha.

Ma jiro jawaab rasmi ah oo ay kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda kasoo saartay sheegashada taliska milatariga Soomaaliya, taasi oo kusoo aadaysa xili uu socdo guluf ka dhan ah dagaalamayaasha Shabaab.

Bishii hore ayay ahayd markii taliska ciidanka xooga Soomaaliya ee degaanada Koonfur Galbeed uu sheegay inuu howlgal ku dilay sarkaal Shabaab oo Ajnabi ah, kaasi oo udhashay wadanka Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM