Howlgal ka dhan ah hubka lagu haysto Muqdisho oo billaabanaya iyo digniin lasoo saarey
MUQDISHO, Somalia - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah digniin culus u dirtay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo Hubka culus ku haysta Guryahooda.
Gaashaanle Sare, Cabdullaahi Buule Kamey, xeer-illaaliyaha guud ee maxkamada milatariga ayaa hoosta ka xariiqay in sababta tani ka dambeysa ay tahay kahortegista in loo adeegsado falal lagu khal-khal gelinayo amniga.
"Waxaa digniin loo dirayaa xubnaha ka tirsan ciidamada xooga dalka ee Guyaha ku haysta Hubka ka badan difaaca nafta oo loo adeegsan karo falal guracan," ayuu Xeer-ilaaliyuhu hadalkiisa u dhigay.
Inta badan kiisaska la xiriira dilka ee la horgeeyo maxkamada ciidamada badan-kooda waxaa loo adeegsadaa Hubka dowlada, oo ay ka muuqato Shaabada astaanta u ah, sida laga soo xigtay Mr Buule Kamey.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xeer-ilaaliyuhu qiray in shaqsiyaad ka tirsan iyo kuwa aan ka tirsaneen ciidamada difaaca qaranka ay si isku mid ah sifo aan sharci ahayn u haystaan Hubka, kuwaasi oo uu digniin culus udiray.
"Hadaba, dhamaan taliyaasha colalka ciidamada qalabka ee Soomaaliyeed, waxaa laga doonayaa inay sugaan tirakoobka Hubka, gaadiidka gaashaaman iyo dhaqdhaqaaqoodaba, ayna ka joojiyaan ciidamada adeegsiga Hubka iyo gaadiidka, oo laga yaabo in loo adeegsado dano gaar ah ama ay [is-ticmaalaan] dad kasoo horjeeda nidaamka dowladnimada," ayuu hadalkiisu raaciyay.
Xubnaha kamid ah milatariga wadanka ayuu cod dheer kaga dalbaday inay usoo gudbiyeen xafiiska Xeer-ilaalinta maxkamada cid kasta oo burburisa, ku tagrifasha ama iibsata Hubka ciidamada xooga dalka si sharciga loo waafujiyo.
Ugu dambeyntii, Xeer-ilaaliyaha ayaa ku dhawaaqay baaris ka dhan ah taliyaasha Hubka sharci darada ku haysta Guryahooda, kaasi oo ujeedkiisu yahay inay kusoo ogaadaan hadii loo adeegsaday falal qaanuun baalmarsan.
Sikastaba ha ahaatee, cid kasta oo lagu helo dambi ah inay si qaldan u adeegsatay Hubka dowlada ayaa wajihi karta dacwad ay ku xusan tahay qodobada 186 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo 27 xeerka nabad-gelyada guud.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:
GAROWE ONLINE