​Howlgal Maraykanku ka qayb-qaatay oo ka dhacay Buulogaduud

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ciidamo katirsan dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada Maraykan ah ayaa weerar ku qaaday saldhig kooxda Shabaab ku leedahay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30KM dhinac Galbeed ka xigta magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Warar ku xeeran howlgalkaasi ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen deegaanka iyagoo bur-buriyay saldhigga Al-Shabaab waloow aysan jirin xog rasmi ah oo laga helayo dagaal ka fool ka fool ah oo labada dhinac dhexmaray.

Goob joogayaal la hadlay GO, ayaa sheegay in xalay maqleen rasaas xooggan iyo duqaymo dhinaca cirka ah.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku waramay inay dileen ugu yaraan 10 kamid ah dagaalyahannada ururkaasi waloow uusan sheegeen faah faahin intaasi dheer.

Sarkaal katirsan ciidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay inay la wareegeen saldhiggii kooxda Shabaab islamarkaana khasaaro xooggan u gaysteen, wuxuuna intaasi ku daray in howlgalku hakaday kadib markii mallayshiyada Shabaab goysay Buundada Wirkooy oo aan sidaasi uga fogayn goobta lagu dagaallamay.

Goynta buundadan ayaa kooxda Shabaab u adeegsadeen miinooyin sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Weerar 01 Jun, 2016 ka dhacay deegaanka Buulogaduuda ayaa lagu dilay Maxamed Dulyaddayn oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa kooxdaasi iyo mallayshiyaad taabacsanaa, waxaana dhawaan dowladda Somalia sheegtay in gobollada Jubboyinka ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM