Howlgalo ciidamada DFS ka fuliyeen degaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Image

MAHADAAY-Somalia- Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo Al shabaab ayaa ka dhacay maanta gobolka Shabeellaha hoose.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, markii Ciidanka dowladda iyo AMISOM ay duulaan ku qaadeen Tuulooyin ay Al shabaab maamusho. 

Caanood ayaa tilmaamay in Labada ciidan ay la kulmeen weerar jidgal ah, xilli ay saaka u ruqaansadeen dhanka Tuulooyinka Miirtaqwo iyo Afarta Tuulo, si ay meesha ug saaraan Xoogaga Kooxda Al shabaab. 

Wararka aan dadka deegaanka ka helayno ayaa sheegaya in Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Cali Foolaay, oo ku dhaw Mahadaay, islamarkaana uu ka dhashay khasaarooyin labada dhinac soo gaarey, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah. 

Howlgalaka ka socda Bariga gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamado Mareykanka ah, oo kuwa dowladda Federaalka iyo AMISOM ka caawinaya istiraatiijiyadda dagaalka iyo Duqeymaha dhanka Cirka. 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay bishii Maarso Guluf dagaal, oo xididada looga siibayo Malleeshiyada Al shabaab guud ahaan dalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM