ICJ oo go'aaminaysa dalka leh badda ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaalida, Kenyanka ayaa si weyn u sugaya go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda muranka badda ee muddada dheer ka socday, kaasoo dhaawacyo badan gaarsiiyay xiriirka labada dal ee deriska ah.

ICJ waxay go'aan aan racfaan lahayn kasoo saari doontaa dacwadda Soomaaliya u gudbisay 2014 galabta, saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 4pm [Toban saac], waxaana kala caddaan doona dal leh xuduud badeeda la isku haystay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa tartan ugu jiraan xaqiijinta mulkiyadda 100,000 KM isku wareeg ah oo ku taalla Badweynta Hindiya, taasoo uu ku jiro shidaal badan oo shirkado shisheeye u tartamayaan.

Maxkamadda ayaa xukunkeeda waxaa aad looga hadal hayaa Muqdisho iyo Nairobi. Lama oga waxa uu noqon doono, balse Soomaalida waxay muujinayaan rajo ah in Kenya looga adkaan doono kiiskan.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Sabtidii gaaray magaalada Hague, oo ay ku taalla xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda.

Dowladda Kenya horey ayay u sheegtay inaysan aqoonsan doonin Go'aanka ICJ, iyadoo hoosta ka xariiqday in Maxkamadda aan awood u lahayn xukun inay kasoo saarto xuduuda badda, ee khilaafka ka taagan yahay.

Soomaali badan oo ku nool wadanka Kenya, oo qaarkood ganacsi ku leh ayaa cabsi muujiyay, waxayna ka baqayaan aargoosi hadii ay u dabaal-degaan go'aanka Maxkamadda ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM