ICJ oo muddeysay shaacinta xukunka dacwadda badda

Image
Gal-dacwadeedkan oo salka ku haya goob hodan ku ah kheyraad ayaa soo bilowday bishii August ee 2014-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada cadaaladda aduunka ayaa muddeysay waqtiga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqayso xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

Sida uu shaaciyey ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta, Mahdi Maxamed Guuleed, xeerbeegtada waxay ku dhawaaqaysaa xukunka 12-ka Oktober, 2021.

"Alxamdulillaah, waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021," ayuu ku qoray Facebook-ga.

Gal-dacwadeedkan ayaa soo bilowday bishii August ee 2014-kii. Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gudbisay maxkamada hoostagta Qaramadda Midoobay.

Qadiyaddan ayaa ku saleysan goob badkeedu yahay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Kiiskan ayaa ayaa madmadow badan wuxuu geliyey xiriirka wadamada deriska ah iyadda oo maamulka hadda waqtigu ka dhacay ee Farmaajo uu isku dayay in uu siyaasad ku dhex-milo.

Isku-daygaas lagu eedeeyay taliska Farmaajo ayaa xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labadda dal taasoo horseeday arrimo ay kamid tahay jarida cilaaqaadka iyo xayiraadyo duulimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM