ICJ oo muddeysay shaacinta xukunka dacwadda badda

Image
Gal-dacwadeedkan oo salka ku haya goob hodan ku ah kheyraad ayaa soo bilowday bishii August ee 2014-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada cadaaladda aduunka ayaa muddeysay waqtiga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqayso xukunka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

Sida uu shaaciyey ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta, Mahdi Maxamed Guuleed, xeerbeegtada waxay ku dhawaaqaysaa xukunka 12-ka Oktober, 2021.

"Alxamdulillaah, waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021," ayuu ku qoray Facebook-ga.

Gal-dacwadeedkan ayaa soo bilowday bishii August ee 2014-kii. Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gudbisay maxkamada hoostagta Qaramadda Midoobay.

Qadiyaddan ayaa ku saleysan goob badkeedu yahay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Kiiskan ayaa ayaa madmadow badan wuxuu geliyey xiriirka wadamada deriska ah iyadda oo maamulka hadda waqtigu ka dhacay ee Farmaajo uu isku dayay in uu siyaasad ku dhex-milo.

Isku-daygaas lagu eedeeyay taliska Farmaajo ayaa xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labadda dal taasoo horseeday arrimo ay kamid tahay jarida cilaaqaadka iyo xayiraadyo duulimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM