ICJ oo ogolaatey dalabka Kenya dibna u dhigtay dhageysiga kiiska badda

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadalaadda Aduunka [ICJ] ayaa si rasmi ah waxay ogolaatey dalabka ka yimid Kenya ee ku aadan dib u dhigida dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Saciid Cali Fiqi, ayaa shaaciyey in ICJ ay hakisay dhageysiga gal-dacwadeedkaasi muddo laba bilood, taasi oo ka dhigan in ay bilaabaneyso November.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay horey u codsatay in kiiskan dhageysigiisa dib loo dhigo muddo 12-bilood ah si ay isugu soo diyaariso una soo qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Balse dhigeeda Muqdisho oo ka hor-timid ayaa waxay ku tilmaamtay "waqti lumis, talaabo dhaawaceysa nidaamka garsoorka iyo wax aanan loo sameyn karin cudur daar".

Lama yaqaano waxay noqon doonto fal-celinta ay Soomaaliya ka bixin doonto go'aanka ICJ, maadaama ay horey ugu adkeysatay in la joogo waqtigii la dhageysan lahaa kiiskan.

Galkan oo soo taagnaa tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa wuxuu ku saabsan yahay goob badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah kheyraad.

Goobtaasi oo ay ku jiraan Shidaal iyo Gaas ayey Soomaaliya dooneysaa in jiidinta lala simo xuduudka dhulka, halka Kenya ay raadineyso in laga soo weeciyo dhankaasi lana geeyo dhinaceeda.

Xiisad diblumaasiyadeed oo marba marka xigta sii karaar-qaadaneysay ayaa ka dhalatay kiiskan, kaasi oo soo jiitamayey shantii sano ee lasoo dhaafay, soona gaarey heer gaba gabo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM