IGAD oo dhex-dhexaadinaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image

NAIROBI, Kenya - Wahadal u dhaxeeya Galmudug iyo Sunna oo Urur goboleedka IGAD dhex-dhexaadinaya ayaa lagu wadaa inuu ka gurmo magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle iyo  kan Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa shalay galab ka baxay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo u duulay Kenya.

Qodobadda ugu muhiimsan ee miiska u saaran labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah awood-qeybsiga iyo sidii Ahlu sunna ay qeyb uga noqon laheyd maamulka Galmudug, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf.

Lama oga in kulanka Nairobi uu noqon doono dhamaadka khilaafka labada dhinac ee mudada dheer soo jiitamayay kaasi oo ay ku fashilmeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Ahlu Sunna ayaa horey u diiday inay la fariisato Madaxda Galmudug, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay Muqdisho bishii May kahor inta aan la caleema-saarin Xaaf.

Ahlu Sunna ayaa shuruudo adag ku xirtay ku biiritaanka Galmudug, iyagoo dalbaday lacago malaayiin doolar ah oo magdhaw looga siiyo khasaaraha kasoo gaarey dagaalkii Al Shabaab uga saartey deegaanada hadda ay maamusho ee gobolka Galgaduud.

Galmudug caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan waxaa kamid ah Ahlu Sunna iyo Al Shabaab oo dhul ballaaran ka haysta, iyadoo sidoo kale ragaadiyeen khilaafyo gudaheeda ah, oo hadda maamulkaasi labp garab u kala jabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM