IGAD oo dhex-dhexaadinaysa Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image

NAIROBI, Kenya - Wahadal u dhaxeeya Galmudug iyo Sunna oo Urur goboleedka IGAD dhex-dhexaadinaya ayaa lagu wadaa inuu ka gurmo magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle iyo  kan Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa shalay galab ka baxay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo u duulay Kenya.

Qodobadda ugu muhiimsan ee miiska u saaran labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah awood-qeybsiga iyo sidii Ahlu sunna ay qeyb uga noqon laheyd maamulka Galmudug, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf.

Lama oga in kulanka Nairobi uu noqon doono dhamaadka khilaafka labada dhinac ee mudada dheer soo jiitamayay kaasi oo ay ku fashilmeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Ahlu Sunna ayaa horey u diiday inay la fariisato Madaxda Galmudug, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay Muqdisho bishii May kahor inta aan la caleema-saarin Xaaf.

Ahlu Sunna ayaa shuruudo adag ku xirtay ku biiritaanka Galmudug, iyagoo dalbaday lacago malaayiin doolar ah oo magdhaw looga siiyo khasaaraha kasoo gaarey dagaalkii Al Shabaab uga saartey deegaanada hadda ay maamusho ee gobolka Galgaduud.

Galmudug caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan waxaa kamid ah Ahlu Sunna iyo Al Shabaab oo dhul ballaaran ka haysta, iyadoo sidoo kale ragaadiyeen khilaafyo gudaheeda ah, oo hadda maamulkaasi labp garab u kala jabey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM