Ikraan Tahliil: Madaxa amniga internet-ka NISA oo la goobayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ikraan Tahliil Faarax oo da'deeda lagu tilmaamay 24-sano jir ah ayaa waxay ku magacaaban tahay madaxa waaxda amniga internet-ka ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya taasoo marka magaceeda loosoo gaabiyo loo garan og-yahay NISA.

Sidoo kale, waxay si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ee maleyshiyadda Al-Shabaab ay ku dishay weerar is-miidaamin, Injineer Yarisow.

Haweenaydan ayaa la la'yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay warbaahinta Isniinta maanta ah.

Markii u dambeysay waxaa abaare 20:01 gaari laga soo qaaday hoygeeda oo u dhow xarunta dhexe ee NISA, oo ah aag amnigeeda aad loo ilaaliyo ayna kaliya geli karaan gaadiidka haysta fasaxa heerka ugu sareeya.

Hooyadda Ifraax ayaa waxay daaha ka rogtay inay heleen muuqaalo CCTV ah oo muujinaya markii ugu dambeysay ee ay ka baxeyso guriga iyo gaariga lagu sii qaaday.

Qali Maxamuud Guhad, oo ah Ikran hooyadeed, ayaa ka soo duushay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si ay u baadi goobto gabadheeda la la’yahay. Dowlada ayay cod dheer ka dalbatay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa Inanteeda.

Sikastaba ha ahaatee, Ikran ayaa waxay ka mid ahayd dhalinyarada dibadaha wax ku soo bartay kuna soo noqday Soomaaliya oo ay colaado aafeeyeen. Masiirkeeda ayaan wali cadeyn maadaama lagu waayey hooska NISA, oo ah hay’adda ugu sareysa sirdoonka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM