Villa Soomaaliya oo "ku xadgudubtay" boorka murashax madaxweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaalia ayaa ku xadguddbay boorka murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasame, sidda uu shaaciyey hogaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya oo qoraal soo saarey ayaa tibaaxay in boorkiisa uu ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

"Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay. Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada," ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu raaciyey: "Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra'iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u siman-yihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay".

"Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu maagan yahay musharrax Madaxweyne Maxamad Farmaajo," ayuu tibaaxay.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan".

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeyntaan. Isku dayo la doonayay in wax looga waydiiyo kiiskan ayaanan guuleysan.

Warsame ayaa tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay Febraayo, 2016-kii wuxuu ahaa mucaaradka ugu weyn, isagoo soo bandhigay qaladaad badan oo xukuumadda ku dhaqaaqdey taasoo keentay in la beegsado hoygiisa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM