Ilaaladda gaarka Axmed Madoobe oo ka degay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilaaladda gaarka ah ee madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Arbacada maanta ah waxay kasoo dageen garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Askartan ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Axmed Madoobe kaasoo wararku xusayaan in dhankiisa uu Muqdisho kasoo degi doono saacadaha soo aadan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu Muqdisho kasoo degi doono ugu yaraan gelinka dambe ee Arbacada maanta ah ama galabta.

Axmed Madoobe ayaa lagu waddaa in uu Muqdisho kaga qeybgalo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda.

Is-araggaas ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xalka is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka Soomaaliya ee 2020-21.

Wadahadaladda oo ku qabsoomayo nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa soo agaasimay wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuldareystay qabashadda doorashooyin qof iyo cod ah si lamid ah in kahor inta uusan muddo xileedkiisu dhamaan uu dalka ka qabto doorasho heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM