Ilaalo "midab-takoortey" wiil Soomaali ah oo shaqo joojin lagu sameeyay
LONDON, UK – Madaxda Jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa shaqo joojin ku sameeyay laba kamid ahaa ilaaladooda kadib markii ay midab-tarooreen wiil Soomaali ah, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga.
Zac Aadan oo 19-jir ah ayaa falkaas lagula kacay habeenimadii Sabtida xilli uu galayey Jaamacadda. Muuqaal ay duubeen dad kale wuxuu muujiyey ilaalada oo darbiga ku riixeysa ardaygan waydiineysana aqoonsigiisa.
Muuqaalka oo aad loogu wadaagay baraha bulshadda ayaa muujinaya dood kulul oo dhexmareysa labada dhinac iyaddoo Zac ku doodayo in uu yahay arday iyo saraakiisha ammaanka uu dalbaneysa ID Card-kiisa saxda.
"Markii aad na tusisay aqoonsigaaga, waxaad qarisay wejigaaga," ayuu yiri mid kamid ah ilaalada Jaamacadda, sidda muuqaalka tusinayo.
Mr Aadan oo barta cilmiga luuqadaha ayaa sheegay in uu aad uga murugeysan yahay falkaas lagula kacay isagoo ku qeexay "cunsurinimo baahsan".
"Wadahadal ma jirin. Kaliya waxay igu xireen darbiga oo waxay yiraahdeen waxaad u eg-tahay nin ka ganacsada daroogada. Sababta Maxaa yeelay waxaan ahay madow oo dhar huudhey ah xiran?," ayuu u sheegay BBC.
Wuxuu ku daray: "Waa wax laga yaqyaqsoodo, ma aanan awoodin inaan seexdo. Xaaladda ayaa i dhibtay. Waalidiinteyda waxay kaga yimaadeen Soomaaliya qaxooti ahaan waxayna ka tanaasuleen wax kasta oo aan kusii joogo xaruntan".
"Waxaan ahay qofkii ugu horeeyay ee qoyskeyga ee Jaamacad gala, marka aniga ahaan waa guul - laakiin markay maqlaan waxyaabahaan oo kale dhacaya, waalidkey waxay iga baryayaan inaan ku laabto gurigeyga," ayuu xusay.
Maamulka Jaamacadda oo bilaabay in ay baaritaan ku sameyn doonan dhacdadaan ayaa muujiyey in ay ka xun yihiin, iyagoo balanqaadey in natiijadda kasoo baxda su'aallo waydiinta ay saxaafadda la wadaagi doonan.
Soomaalida ayaa kamid ah dadyowga ajaaniibta ah ee dhibaatooyinka noocaan ah kula kulma wadamada reer Galbeedka, waxaana mas'uuliyiinta waddankaas ay sheegeen in ay la tacaali doonan, balse wax-qabad ma muuqdo.
GAROWE ONLINE