Imaaraadka oo cambaareeyay weerarkii Hotel Afrik

Image

ABU DHABI, United Arab Emirates – Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu si xooggan u cambaareynayo weerarkii Al-Shabaab ku qaadey Hotel Afrik ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Abu Dhabi ayaawaxay tibaaxdey in falkaas uu yahay mid argagixiso oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, weeraraas qaraxa ku bilowday ayaa hadafka laga leeyahay waxay tahay in lagu wiiqo xasiloonida dalka.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladda dadkooda ku waayey fal-dambiyeedkan foosha xun. Waxaan soo kabasho deg-deg ah u rajeynaynaa kuwa ku dhaawacmay weerarka," ayay wasaaradda ku dartey.

Inta la xaqiijiyey 10 qof oo uu jiro Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ku geeriyooday weerarkaas, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kuwaas oo qaarkood dhaawacyadooda ay yihiin kuwa aad u culus.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa xustey in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Jeneraal Galaal kaasoo ay ku eedeysay in uu door ku lahaa dilkii Aadan Ceyrow, mid kamid aas-aasayaashii xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Marxuum Galaal ayaa xalay waxaa lagu aasay degmadda Guriceel isaga oo salaadda Janaazada lagula tukaday magaaladda Muqdisho. Siyaasiyiinta ku heebta Jananka waxay dowladda ku dhaliileen in aysan maamuusin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM