Imaaraadka oo gaadiid dagaal ugu deeqay Jubaland

Image
Image
Image
Image

May 26, 2015 (GO)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid nooca dagaalka ah ugu deeqday Dowladda Jubaland.

Gaadiidkan oo tiradiisu gaareyso 11 gaari oo isugu jira shan nooca qafilan ee aysan xabaddu karin ah iyo lix gaari oo nooca dheereeya ee Soomaalidu (Cabdi Bilaha) u taqaanno ah, waxaa si gaar ah ugu deeqday Imaaradda Abu-Dhabi.

Xaflad ka dhacday dekedda Kismaayo ayaa gaadiidkaas lagu soo bandhigay, waxaana kasoo qayb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku-xigeenka Fartaag iyo saraakiil ka tirsna ciidamada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey deeqdan oo sida uu sheegay kusoo beegantey xilli aad baahi loogu qabay.

Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, wuxuu qayb weyn ka qaataa qalabeynta iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, in Imaaraadku horay u siiyey Dowladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidamadu adeegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM