Imaaraadka oo qaaday qayb kamid ah daawacyadii Zoobe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladda Imaraadka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho caasumadda Soomaaliya.

Shan kamid ah dadkii ugu cuslaa ee ku dhaawacmay Qaraxaas ayaa shalay loo qaaday dalka Kenya iyadoo la saaray diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay UAE.

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda iyo Bisha Cas ee Imaraadka Carabta ayaa garoonka Aadan Cade ku sii sagootiyay dhaawacyada waxaana wehelinayay ehelada dadka dhaawacmay.

Imaaraadka ayaa goor sii horaysay ballan qaaday inay daweyn iyo daryeel caafimaad u samayn doonaan 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe kuwaasoo loo qadayo dalka dibadiisa.


Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay deeqda caafimaad ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana wasiirka Caafimaadka uu sheegay inay tallaabadan ay qayb ka tahay gurmadka Caafimaadka ee waddamada taageera Soomaaliya.


Imaaraadka Carabta ayaa Maalmo ka hor soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhibaatoobay qaraxii Zoobe.


Sidoo kale waxaa la filayaa in Dowlada imaaraadka ay maalmaha soo socda Cafaimaad dibada ah ay u qaado ku dhawaad 30 ka mid ah dhaawacyadii Qarxii Zoobe, kuwaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Sheekh Zaid ee Muqdisho.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Imaaraadku uu taageero buuxda siiyo Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa kasoo kabashada dagaalladii sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM