​In kabadan 20 qof oo ku dhimatay Qaraxa Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax loo adeegsaday baabuur oo kooxda Al Shabaab ka gaysatay suuq ku yaalla magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa galaaftay nolosha dad badan oo ku sugnaa xarumo ganacsi oo halkaas ku yaalla.

Tirada dhimashada ayaa kor u dhaftay 20 ruux, halka dhaawacu ka badanyahay 50 kale, kuwaasoo qayb kamid ah xaaladoodu liidato, waxaana iminka lagu dabiibayaa dhowr cusbital oo magaalada Xamar ku yaalla.

Gaari lagusoo xiray Miinada gacanta laga maamulo, ayaa la hordhigay suuq aad mashquul u ahaa oo ku yaalla  Isgoyska Afisyone, oo ku dhaw Saldhigga ciidamada Cirka Somalia.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray kuwo suuqa ka adeegsanayay iyo qaar ka ganacsanayay Khudradda Cagaaran oo goobtaasi lagu iibiyo.

Laamaha amniga dowladda ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga qarxay, isaga oo dhaawac ah, kaasi oo iminka ku socoto baaritaan.

Madaxweynaha Dowladda Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda Qaraxa ka dib, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku ammaanay laamanaka amaanka inay gacanta ku soo dhigeen, dhagar qabihii weerarkaasi fuliyay.

Qaraxan ayaa yimid xilli ammaanka Muqdishu uu noqday mid aan la isku hallayn karin iyadoo la filayo in lagu qabto doorashada 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM