Indha-qarshe oo ka jawaabay amar kasoo baxay Kheyre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa wuxuu ka jawaabay amar uu Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre dul-dhigay taliska iyo wasaaradda difaaca.

Kheyre ayaa faray madaxda hay’addahani inay dar-dargeliyaan olalaha dib dhiska loogu sameynayo ciidanka xooga Soomaaliyeed, si ay masuuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka AMISOM.

Taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa xusay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqan-gelin doonaan amarka Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo afka ku balaariyay inay doonayaan in isbedal laga dareemo ciidamada sanadka 2019.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu daboolka ka qaaday taliyaha inay sidoo kale xoojin doonan dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab oo uu cod dheer ku qeexay inay diyaarinayaan qorshayaal lagu soo afjaro.

“Waxa aan la dagaalameyno waa koox aanan garaneynin, oo nagu dhex-nool, oo guryaheena jiifta, kana cunteeya, balse waxaan ka shaqaynayaa sidii aan uga adkaan lahayn,” ayuu yiri Taliye Indha-qarshe.

Indha-qarshe iyo Khayre ayaa kawada qayb-galay maanta oo Talaado ahayd munaasabad ka qabsoontay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taasi oo lagu dhiirageliyay hogaanka iyo ciidamadda xoogga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM