Indha Qarshe oo ku wajahan Kismaayo xilli taliye laga soo celisay Garoonka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, Jenaraal Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe] ayaa kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamul goboleedka Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Ujeedka safarka taliyaha ayaa wuxuu salka ku hayaa xoojinta Gulufka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab xili uu kulamo uu la qaadan doono mas'uuliyiin ka tirsan maamulka, iyo saraakiisha ciidamada, lama oga inuu la kulmi doono Axmed Madoobe.

Sida uu fahansan yahay Warsidaha Garowe Online taliyaha ayaa Kismaayo uga soo gudbi doonaa magaalooyin kale xili goobaha uu tegi doono ay ku jiraan jiidaha hore ee dagaalka, oo ay ciidamada ku sugan yihiin.

Goobaha uu booqanayo Indha Qarshe waxaa kamid ah meelo ay dhowaan ciidamada Daraawiista Jubbaland oo kaashana ciidanka xooga ay kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, isagoo halkaasi gaarsiin doona qorshayaal dhowr ah oo howlgalka ku saabsan.

Indha-qarshe ayaa khudbad u jeedin doona ciidamada oo xaruumahooda kuu booqan doono, kuwaasoo loo diyaariyey inay qaadeen duulaan balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo tuulooyin dhowr ka haysta Jubooyinka.

Qaban-qaabo lagu soo dhawaynayo Taliye Indha-qarshe ayaa ka soconeysa caasimad goboleedka Jubada Hoose, taasi oo ay horkacayaan hogaanka ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Taliye Indha Qardhe oo markii labaada xilka loo magacaabay dhawaan, ayaa bedelay Cabdiweli Jaamac Gorod, oo xilka ku waayay Isku-shaandheyn taliyayaasha ciidanka ku sameeyay Farmaajo bishii August ee sanadkan.

Safarka taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa imaanaya xili cilaaqaadka u dhaxeeya madaxda Jubbaland iyo midka dowlada Federaalka uu yahay mid liita, ayna xiriirka ujareen maamuladda qaar Villa Soomaaliya.

Khilaafka Jubbaland iyo dowladda ayaa isugu jira mid siyaasadeed iyo mid ciidan xili tiro dhowr jeer Kismaayo laga soo celiyay Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka xoogga Cali Maxamed Maxmuud [Bagmadow]. [Halkan ka akhri warka]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM