India oo daadgureyneysa muwaadiniinta 'uga xayirmay' Muqdisho

Image

NEW DEHLI, India – Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya sheegtay in muwaadiniinteena 33-da ah ee uga xayirmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ula midoobi doonan qoysaskooda.

Sidda laga soo xigtay wasaaradda, shirkadii ay u shaqeynaayey oo la wariyey in aysan mushahar siinin ku dhowaad tobban bilood ayaa ogolaatay in siiso xaqooda isla markaana ay fududeysay ku guriya noqoshadooda.

Anurag Srivastava, afhayeen u hadlay wasaaradda oo daaha ka rogay in dhowaan ay bilaaban doonto daad-gureynta xubnahaan, ayaa intaas ku daray in qeybtii koowaad oo ka koooban 8-10 xubnood ay dhoofayaan.

Howlwadeenadan kasoo kala jeeda gobolada Uttar Pradesh, Bihar, Himachal Pradesh, Punjab iyo Gujarat ayaa shirkadda waxay qandaraaska la galeen 1-da bishii August ee sanadkan aynu ku guda jirno ee 2020.

"Howlgalkeenna Kenya oo ah mid khuseeya Soomaaliya ayaan ka helnay macluumaad iyaga ku saabsan waxayna mas'uuliyiintayadu ka safreen Kenya xilli tageen Soomaaliya iyagoo gacan ka helaya xafiiska arrimaha dibedda ee halkaas jooga waxay la hadleen shirkadda iyo shaqaalaha," ayuu yiri.

Isagoo qaab online ah ugu waramay saxaafada ayuu ku daray: "Wadahadal kadib, [madaxda] shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii, wasiirka arrimaha dibadda waddanka Hindiya, Jaishankar, uu ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan badbaadinta howlwadeenadan una kaashanayo safaaradooda Kenya iyo dowlada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM