India oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku dhawaaqdey danjire cusub oo loosoo magacaabay in uu waddankaas ku metelo Soomaaliya, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ANI, Dr Virander Kumar Paul ayaa kasoo baxay dhamaan shuruudihii Waaxda Arrimaha Dibadda.

Paul ayaa haatan wuxuu yahay danjiraha Hindiya u jooga caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaana xilkaas loo magacaabay August, 2020.

Safiirka cusub ayaa bedelaya Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii ahaa ergayga Hindiya ee Soomaaliya balse fadhigiisu ahaa Nairobi.

Dr Virander oo ah waaya arag diblumaasiyadeed ayaa kahor xilka safiirnimo xoghaye ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya. Sidoo kale, wuxuu dalkiisa kusoo metelay waamadda Romania iyo Moldova.

Danjiraha ayaa la filayaa in uu todobaadyadda soo aadan soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu waraaqaha aqoonsiga ugu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sababo la xiriira xaaladda amni ee Muqdisho oo aan la isku haleyn karin, qaar kamid ah wakiilada dalalka caalamka u qaabilsan Soomaaliya ayaa xarun waxaa u ah Kenya ayaga oo kaliya magaalada u yimaada shirarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay deegaanka Ceel-Baraf

Inkastoo aysan wali la shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka, ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay duuleedka Ceelbaraf.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 07:32PM

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM