Indonesia oo danjire cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo kaasoo loo garan og-yahay Jokowi, ayaa magacaabay danjire cusub oo waddankiisa u qaabilsanaan doona wadamo kale oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Mohamad Hery Saripudin ayaa kamid ah 20 safiiro cusub oo Jokowi uu ku dhawaaqay Isniinta maanta ah kadib wareegto ku taariikheysan 14-ka September, 2020 oo xafiiskiisa si rasmiya uga soo baxdey.

Wadamada kale ee Saripudin uu qarankiisa wakiilka uga noqon doona ayaa waxay kala yihiin; Kenya, Congo, Mauritius iyo Seychelles.

Magaala madaxda Kenya ee Nairobi ayay noqon doontaa fadhigiisa ugu weyn, halkaasoo uu ku bedeli doono Soehardjono Sastromihardjo kaasoo bishii hore uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa rasmiga ah.

Safaaradda Nairobi waxaa haatan sii-haaye ka ah Wibanarto Eugenius kaasoo la filayo in uu jagadda ku wareejiyo Saripudin.

Saripudin ayaa horey u soo noqdey Qunsulka guud ee safaaradda Indonesia ee magaalada Sacuudi Carabiya ka tirsan ee Jeddah.

Sidda laga soo xigtay digreetadda, Jokowi ayaa kula dardaarmay diblumaasiyiinta cusub in ay waajibaadkooda u gutaan sida ugu fiican.

Indonesia ayaan kaliya ahayn dalka kaliya ee safiirka u qaabilsan Soomaaliya ay xaruntiisu tahay Nairobi ama ay wadamo kale kula lamaanan yihiin, waxaana ugu wacan ammaan xumida ka jirta caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM