Ingiriiska oo kusoo biiray saamileyda dekedda Berbera

Image

DUBAI — Shirkadda weyn ee dekedaha Dubai ee DP World iyo wakaaladda dowladda Brtitain u qaabilsan horumarinta maaliyadda ee CDC Group ayaa Talaadadii sheegay inay qorsheynayaan inay si wadajir ah kaabayaasha saadka ee qaqaradda Africa ugu maal-galiyaan illaa $1.72 bilyan dhowrka sano ee soo socda.

Maal-gashigaan ayay ku sheegeen inay ugu horreyso casriyeynta saddex dekedood, iyada oo marka hore diiradda lagu saari doonaa ballaarinta dekadaha ay maamusho DP World ee kala ah Ain Sokhna ee dalka Masar, dekada Dakar ee dalka Senegal iyo dekdada Berbera ee Somaliland, sida ay sheegtay CDC.

DP Word oo ay dawladdu leedahay ayay ka go'antahay inay maal-geliso $1 bilyan sannadaha soo socda, halka CDC ay ballan-qaadday $320 milyan oo ay suuragal tahay inay ku darto illaa $ 400 milyan oo maal-galin kale ah.

Maal-gashiga wadajirka ah ayaa aakhirka lagu ballaarin doonaa dalalka kale ee Afrika, taas oo ay rajaynayaan DP World iyo CDC inay dardargelin doonto ganacsiga gudaha iyo dibedda ee qaaradda.

"Waxaan leenahay aragti isku mid ah inaga iyo DP World, taas oo ah inaan doonayno inaan maal-gashi ku sameyno dekado badan oo qaaradda oo dhan ah intii suurtagal ah," ayuu Madaxa CDC Tenbite Ermias u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iskaashiga labadan shirkadood ayaa sidoo kale qorshayna inay maal-galiyaan, kaabayaasha dhaqaalaha, sida kaydka konteenarada iyo saldhigyada xarumaha ganacsiga.

CDC ayaa yeelan doonta saamiga wax ka yar kalabar saddexdan dekedood, sida uu sheegay Ermias, iyada oo DP World ay ku wareejinayso saamiyada dekadahaas.

Ballaarinta saddexdan dekedood ayaa sida ay sheegtay CDC, waxay hagaajin doontaa helitaanka badeecadaha muhiimka u ah 35 milyan oo qof, oo ay ku jiraan waddamada deriska ah, iyagoo sidoo kale abuuri doona 5 milyan oo shaqo, isla markaagana ay $51 bilyan ku dari doonaan ganacsiga guud marka la gaaro sanadka 2035.

Reuters

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM