Ingiriiska oo walaac ka muujiyey warbixin laga diyaariyey Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay warbixinta ay Guddiga khuburada Qaramada Midoobay ka diyaariyeen Soomaaliya si gaar ah qaabka ay dakhliga ku hesho maleyshiyadda Al-Shabaab.

Ergayga UK ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa daaha ka rogay in warbixintaas ay iftiimineyso caqabadaha culus ee wali ka jira Soomaaliya, wallow uu tibaaxay in horumar laga sameeyo dhinacyo badan.

"Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wadajir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab," ayuu Jonathan Allen xusay, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in la wiiqo awooda maalgelinta kooxda.

Cunaqabateynta hubka ayuu soo jeediyay in aysan saameyn ku yeelan arrimaha bini'aadanimadda iyo u gargaarida dadka tabaaleysan ee ku dhaqan goobaha ay argagixiadda maamulaan.

Warbixinta kooxda khuburadda oo lagu falanqeeyay shir uu Golaha Ammaanka yeeshay Arbacadii ayaa qeexdey in Al-Shabaab ay sanadkii 21 milyan Doolar ka hesho canshuurta dekadaha iyo maalgashiga magaalooyinka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaanan wali caddeyn aragtideeda ku saabsan warbixintaas oo ku noqon karta dharbaaxo maadaama marsooyinka dakhligaas ka hesho argagixisada ku jirto tan Muqdisho.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Xuseen Guuleed [Khadar] ayaa horey u caddeeyay in xukuumadda si dhow ula socoto arrintaan, balse waxay u muuqaneysaa mid ku guuldareystay in ay wax ka qabato.

Dakhliga ay maleyshiyadda uruursato ayaa la aaminsan yahay in ay ku xoojiso howlgaladeeda liddiga ku ah xasiloonida waddanka iyo weerarada ay qaarkood waxyeelo badan kasoo gaaraan shacabka iyo ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM