Ingiriiska: Soomaali xabsi loo taxaabay dilka Xildhibaan

Image
Sharci-dejiyaha ayaa noqdey mudanihii labaad oo isaga oo xil haya la beegsado shantii sano ee lasoo dhaafay.

LONDON, Britain - Xildhibaanka ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Ingiriiska, Sir David Amess, ayaa geeriyooday ka dib markii marar badan lagu tooriyeeyay degaan doorashadiisa Essex, sida ay qortey saxaafadda.

Booliska ayaa sheegay in nin 25 jir ah loo xiray tuhun ku saabsan in uu dhab ahaan ka dambeeyay falkaas khaarijinta ah kadib markii laga soo xiray kaniisad ku taal Leigh-on-Sea.

Ilo ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa BBC-da u sheegay in ninka la qabtay uu yahay muwaadin Soomaali-British ah, sida ku cad natiijadda baaritaannadii horudhaca ah. Wali lama shaacin magaciisa.

La tuhunsanaha ayaa lagu waramay in lagu qabtey Toorey mana raadinayaan cid kale oo la xiriirta dhacdada. Kooxda ka hortagga argagixisada ayaa hoggaamin doonta baaritaanka.

Ra'iisul Wasaaraha boqortooyadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa naxdin iyo murugo ka muujiyey dhacdadan uu ku sifeeyay “mid ka mid ah kuwa ugu naxariista badan siyaasadda".

Xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel ayaa ka codsatay dhammaan ciidamada booliiska inay dib u eegaan qabanqaabada amniga ee xildhibaannada "si dhaqso leh u dhaqan galaya", ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna dhalay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay.

Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha ayaa la dilay 2016 -kii. Waxaa lagu toogtey banaanka maktabad ku taal Birstall, West Yorkshire, halkaas oo lagu waday in lagu qabto kulamo khuseeya degaan doorashadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 05:28PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Guul Muhiim ah ka Gaaray Dagaal Daacish

Tani waa qayb ka mid ah dagaalkooda 25 sano ah ee ay kaga hortagayaan kooxaha argagixisada ee soo galaya xuduudaha Puntland.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 04:58PM