Injineer caan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qaraxa gaari oo xalay fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Kaariye ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa mid lagu dhejiyay kursiga laga kaxeeya Gaariga.

Gaariga ayaa ku qarxay xili uu marayay Isgoyska KM-4 [Lambar Afar].

Allah ha u naxariistee Maxamed ayaa ahaa Injineer wax kusoo bartay dalka Pakistan, waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada caasimadda ugu fir-fircoon, ee aadka loo yaqaano.

Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey qaraxa oo dab xooggan qabadsiiyay Gaarigiisa, waxaana saacado kadib uu ku geeriyoodey Isbitaal ku yaalla Muqdisho, sida ay qaar kamid ah Saaxiibadiisa u xaqiijiyeen Garowe Online.

Lama oga sababta loo beegsaday Injineerka iyo cida ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado qaraxyada lagu dhejio baabuurta ay wataan dadka u shaqeeya dowladda, hay'adaha iyo dadka kale ee muhiimka ah.

Qaraxa ayaa noqonaya midkii labaad oo noociisa ah oo isla wadada KM-4, iyadoo kii midkan ka horeeyay lagu dhaawacay sarkaal katirsan Hay'adda Dembi Baarita Soomaaliya ee CID-da.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay fashil dhanka amniga ah, iyadoo ay sugu la'adahay amaanka Muqdisho, oo ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal shacab badan ay ku dhimanayaan.

Qaraxyada baabuurta loo adeegsado ayaa ka dhacaya derbiga Madaxtooyadda iyo meelaha sida aadka amnigooda loo adkeeyay, ee ay degan yihiin madaxda sare ee dowladda Federaalka, iyadoo wadooyinka ay ciidamado ku sugan yihiin.

Khubaradda amniga ayaa aaminsan in iyadoo aan Al-Shabaab looga adkaan, islamarkaana laga sifeyn gobollada deriska la ah Muqdisho [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe], aan la xasilin karin caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM