"Is-afgarad" lagu gaarey kulan laga yeeshay muranka doorashada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay wuxuu la kulmay hogaanka Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.

Kulankan ayaa la sheegay in uu bilow u yahay dedaalada xalka loogu goobayo khilaafka raagey ee doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September".

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka, ayaa xaqiijiyey in is-aragga uu dalbadey Rooble isla markaana uu kusoo idlaadey "is-afgarad".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xi siyaasadeedka Wadajir ahna musharaxa madaxwayne, ayaa shaaca ka dhigay fahfaahihn ku saabsan is-afgaradka ay la gaareen Ra'iisul Wasaaraha.

"Waxaa xalay kulan afur iyo wadatashi ah yeeshay RW Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, Axmad Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, iyo xubno ka tirsan Midowga Murashaxiinta. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Dooddaha oo kuwo togan ahaa ayaa ku soo gebagaboobay heshiis ku saabsan in si wadajir ah laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho Wadar-ogal ah oo si nabad iyo xasilooni leh ku dhacda," ayuu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Qoorqoor ka degan yahay Muqdisho ayaa kusoo hagaagay maalin kadib markii Galmudug, HirShabelle iyo Rooble kasoo horjeesteen muddo kororsiga kuna baaqeen wadahadalo loo dhanyahay iyo doorasho ku saleysan heshiiska 17-kii September sanadkii 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM