Is-barbardhig lagu sameeyay Farmaajo iyo Donald Trump

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Mareykanka waxay ka siman yihiin xukun jaceylka iyo kelitalisnimadda, sidda uu aaminsan yahay Xildhibaan Golaha Shacabka.

Mahad Maxamed Salaad, oo ah mudane ka tirsan Aqalka Hoose baarlamaanka waqtigiisu dhamaadey ee federaalka, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku weeraray labada hogaamiye.

Wallow aakhiritaankii uu maanta ogolaadey, Donald Trump ayaa ka biyo-diidey in uu qirto in looga adkaadey doorashooyinkii Mareykanka ee Joe Biden uu kula tartamay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa ay uga hartay hal bil oo qura ayaa ku fara-adeegaya qorshihiisa aadka loo naqdiyey ee uu ku doonayo in uu xukunka baaqi ugu sii ahaado.

"Dhaqanka Siyaasadeed iyo Sifooyinka Farmaajo iyo Trump ka simanyihiin," ayuu Xildhibaan Mahad ciwaan uga dhigay qormadda uu is-bar-bardhiga ugu sameeyay Farmaajo iyo Donald Trump.

Qodobadda uu sharci-dejiyaha soo qaatay ayaa kala ah;

1. Hal Xisbi ayay ka wada tirsanaayeen, Doorasho xor ah iyo xukunka oo si nabad ah la isugu dhiibana doqonimo ayay u arkaan. Kursi Jacaylka iyo Kaligii Taliyenimaduna waa u sii dheertahay.

2. Dadka oo dhan in ay ka caqli badanyihiin ayay isku heystaan, in wax laga sheegana dambi ayay u arkaan, shar iyo kheyr wixii ay la yimaadaana in lagu taageero ayay jecelyihiin.

3. Dadka taageera waxay u badanyihiin CARUUR IYO CAAMO aaminsan sheekooyin khurraafi ah oo aaminsan in ay yihiin Owliyo Ilaahey iyaga u soo diray, hadii aan la adeecina balaayo aan la arag oo la maqal dalka iyo dadka ku dhacayso, dibna loo noqonayo boqolaal sano.

4. Qabyaaladeynta, kala qaybinta bulshada, dadkoo qowmiyado iyo qolo qolo la isugu diro iyo kuwa xididka la ah oo awoodda dowladnimo lagu naasnuujiyo.

5. Labadoodaba waxa loo dhiibay dal dimuquraadi ah oo si nabad ah xukunka la isugu dhiibo, maanta waxa laga dhexlayaa dal qowmiyad iyo qabiil qabiil qoorta iskula jira, hay’adihii dowlada laga aamin baxay, haybadii dowladnimadana ay burburtay!

"Maraykanku waa dal hay’ado dowladeed oo sal adag u dhisanyihiin, lkn Farmaajo hada waxa uu ka shaqaynayaa nidaamka dowladeed curdunka ah ee noo dhisan in uu naga dumiyo, dalka iyo dadkana dagaal sokeeye ku qasbo, kadibna diyaarad ka raaco!" ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa loo balansan yahay 8-da Febraayo, 2021-ka mana jiro baarlamaan cusub oo dooranaya madaxweyne taasoo la macno in ay shaki ku jirto in ay xilligeeda ku dhaceyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM