Is-faham laga gaarey hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa is-faham ka gaarey dhismaha gudiyadda isku-dhafka ee maamuli doono doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo Jadwalka iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada labad aqalka ee Baarlamanka 11-aad.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helay kulanka ayaa sheegaya in Madaxda DF iyo Maamullada ay isla meel dhigeen in hanaanka doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ay billaabato October 15, islamarkaana ay socon doonto illaa 15-ka November 2020.

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay 15-ka November ee isla sanadkan waxaa la guda gali doonaan hanaanka soo xuliska Xildhibaanaddda Gollaha Shacabka.

Waxay hogaamiyaasha ku shiray Villa Soomaaliya ku heshiiyeen in Madaxweyne Farmaajo uu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo aan horey uga mid ahayd heshiiska, kaasoo Dawlad Goboleedyada ay xubno ku yeelan doonaan.

Baarlamanka ayaa soo jeediyay in guddiga Xalinta Khilaafaadka ka dhiso, taasoo Madaxda hadda isla go'aamiyeen qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddiga doorashooyinka heer qaran iyo heer dowlad goboleed qeyb ka yahay qodobada heshiiska laga gaarey.

Is-afagaradkan ayaa meesha ka saareya mad-madowgii ku jiray heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan Baarlamanka uu meel-mariyay kadib markii DF iyo Maamullada madaxdooda ku saxiixdeen Villa Soomaaliya 17-kii bishan.

Doorashooyinka dhici doono ayaa lamid ah kuwii horey dalka uga dhacay, marka la eego hanaanka awood-qeybsiga qabiilka ku saleysan ee 4.5, iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay in labo goobood maamul kasta lagu qabto doorasho, waxaana ergadii ahayd 51 laga dhigay 101.

Cadaadis madaxda Soomaalida kala kulmeen saaxiibada Beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka ayaa suurta geliyay inay heshiis ka gaaraan doorashooyinka, oo markii hore rajada laga qabay inay qabsoonta aad u yarayd, marka la eego khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Saamileyda.

Beesha Caalamka oo mudo dheer Soomaaliya ka taageeraysa dib u dhiska dowladnimada iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida ayaa xoogga ku saartay Farmaajo iyo hogaamiyaasha Maamullada in wadajir iyo wada-ogol ku dhammeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM