Is-fahan laga gaarey sababta keentay fowdadii kulanka Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib kulamo maalmihii lasoo dhaafay u socday gudoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada mucaaradka ah waxa la sheegayaa in is-fahan ay ka gaareen sababta dhalisay buuqii hareeyay fadhigii Sabtida.

Kulankii Golluhu yeelan lahaa maalinta koowaad ee todobaadkaan kaasi oo looga doodi lahaa xaalada amni ee dalka ayna joogeen madaxda hay’addaha amaanka ayaa u baaqday is-qabqabsi ku saabsan in kaalinta warbaahinta.

Mudanayaal ayaa u codeeyay in dibada loo saaro suxufiyiinta, halka kuwa kale oo kasoo horjeesteen arrinkaasi ay sameeyeen fowdo taasi oo dhalisay in gebi ahaanba uu gudoonku soo xiro kulanka.

Wixii ka dambeeyay maalintaasi, shirar gaar ah ayaa u socday dhinacyada iska soo horjeeday iyada oo xubno guddi ah oo ay iska soo xuleen Xildhibaanada mucaaradka uu la shiray Gudoonka.

Xildhibaano ayaa sheegay in la isku afgartay in uu qabsoomo kulanka soo aadan ee Golaha maalinta Sabtida ah ee isbuuca dambe, kaasi oo looga doodayo amniga dalka aysan imaaneyn mas'uuliyiinta.

"Kulankaasi saxaafada waa loo ogolaan doonaa in ay wararka uga tabiyaan sida caadiga ah," ayay sheegeen illo wareedyadda.

Balse waxaa lagu waramayaa in uu qabsoomi doono kulan kale maalinta Isniinta ah, kaasi oo taliyeyaasha ciidamada amniga ay kasoo qaybgeli doonan balse ay dibad joog ka noqon doonto warbaahinta.

"Labadaasi xulasho ayaa miiska saarneed sidaasi ayaan la isku raacay," ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan sababo jira u qariyay magaciisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan Xildhibaano ka biyo diidan is-fahankaasi lagu heshiiyay kaasi oo gudoonka iyo dhinacyada la kulmay aysan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Sikastaba ha ahaatee, amniga dalka gaar ahaan Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya ayna wehliso dilal qorsheysan oo loo geysanayo shacabka iyo waliba mas'uuliyiinta si lamid ah askarta dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM