Is-qarxinta Muqdisho oo si xooggan loo cambaareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qarxiyey saldhiga degmadda Waaberi eek u yaala wadada Maka Almukarama ee Muqdisho kaasoo sababay khasaaro badan ayaa si xooggan loo cambaareeyay,

Cambaareynta waxaa horkacaya qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimadda Soomaaliya kuwaas oo falkaas si wadajir ah ugu sifeeyay "mid argagixiso" kuna taliyey in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah ururka.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in qaraxii lagu weeraray saldhiga booliska degmada Waaberi uu ahaa isdaamiin uu fuliye "naftii halige"; dhimashada lix oo ay ku jiraan laba taliye iyo dhaawac lix kale kana mid yihiin saraakiil boolis ayuu xaqiijiyey. Maleyshiyada Al-Shabaab ayuuna ku eedeeyay "falkan argagixiso".

Booliiska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo Gaashaanle Cabdibaasid Maxamuud Cageey, Taliye-ku-xigeenkii qaybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa kamid ah dadka ku nafwaayey weerarkaas.

Shariif Sheekh Axmed:

"Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo Taliska Booliska uga tacsiyeynayaa geerida G/Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cageey ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha ka siiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumka.

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane oo kamid ahaa dhalinyaradii qaybta kasoo qaatay difaaca Dalka.

Geerida Taliye Baashane waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo qoyskii Marxuumka Allaha u naxariistee.

Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxii argagixisada lahaa ee saldhiga Waaberi lagu weeraray waxaan Alle u weydiinayaa caafimaad degdeg ah.

Argagixisadu maleh diin waana mas’uuliyad guud in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa".

Xasan Sheekh Maxamuud:

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, bahda Booliska, ehelada & qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii iyo askartii lagu dilay qaraxii Muqdisho. Waa shuhado naftooda u huray difaaca dalka & dadka. Aan u midowno ciribtirka fikirka argagixisada #ArgagixisaduDiinMalaha".

Xasan Cali Khayre

"Inaa Lillah wa inaa Ileyhi raajicuun.

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa Saraakiisha, Askarta iyo dadka Shacabka ah ee ku geeriyooday qarixii caawa fiidkii ka dhacay Saldhiga Booliska Degmada Waaberi.

Si gaar ah waxaan uga tacsiyeynayaa geerida xanuunka badan ee ku timid Allah ha u naxariistee, Taliyahii Booliska Degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane, iyo Gaashaanle Cabdibaasid Maxamuud Cageey, Taliye-ku-xigeenkii qaybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobolka Banaadir.

Taliye Ahmeed Baashane iyo Gaashaanle Cabdibaasid waxey kamid ahaayeen geesiyaasha naftooda, waqtigooda iyo dhiigoodaba u huray u adeegista shacabka Soomaaliyeed, iyo kahor tagista weeraradda cadowga umadda Soomaaliyeed ay la beegsadaan dadka shacabka ah".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

"Waxaan canbaaraynayaa weerarka argagexiso oo ay kooxda Alshabaab ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan u tacsiyeynayaa Booliska Soomaalliyeed iyo Sheekh C/laahi Baashane oo ahaa saaxiib aan Suudaan wax ku wada baranay dilka loo geystay wiilkiisa Axmad Baashane oo ahaa taliyihii saldhigga Booliska Degmada Waaberi. Allaha u naxariisto Axmad, sabar iyo iimaana Allaha naga siiyo. Aamiin

Waxaan ehelkiisa, asxaabta iyo Booliska Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Gaashaanle Dhexe C/baasid Maxamud Cageey oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii ay caawa ku qaadeen argagexisada Alshabab saldhigga degmada Waaberi. C/baasid wuxuu ahaa ku xigeenka taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga siiyo. Waxaan kaloo Ilaaheey uga baryaynayaa in uu saraakiisha kale ee dhaawaca ah uu caafimaad degdeg ah siiyo. Aamiin".

Daahir Maxamuud Geelle:

"Waxa aan murugada la qaybsanayaa una tacsiyeynayaa umadda Soomaaliyeed, Saraakiisha Booliska, iyo qoysaska dilki wuxushnimada ahaa ee caawa lagu dilay Taliyihi booliska degmada Waaberi Axmed Cabdullahi Baashane, Taliyihi ku xigeenki qaybta Waliyow Cadde Cabdibaasid Maxamuud Cageey, Askarti iyo shacabki la geeriyooday.

Allah waxa aan uga baryayaa jannadiisa inuu geliyo, dhaawacan uu u booga dhayo. Allah sabar iyo iimaan ha naga siiyo dhammaanteen".

Weerarka lagu qarxiyey saldhiga booliska degmada Waaberi ee ku yaala jidka Maka Almukarama ee Muqdisho ayaa yimid xilli carwooyinka ku dhow ay ka tukaameysanayeen dadwayne kuwaasoo isku diyaarinayey Ciiddul Fidriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM