Is-ugaarsiga malleeshiyada Roobow iyo Al-Shabaab oo waji cusub yeeshay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Loolan iyo is-ugaarsi weji cusub yeelanaya ayaa kasoo if-baxaya degaano katirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo u dhaxeeya malleeshiyaad taabacsan Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab.

Todobaadkan, malleeshiyada Roobow ayaa sheegtay in ay dishay sarkaal sare, oo magaciisa ku sheegtay Maxamed Xasan Barqab oo uu ahaa Al-Shabaab madax gobleed dhanka Sakawaadka ah.

Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin sheegashadaasi ka timid kooxda Roobow oo ku xoog badan degaanno dhaca duleedka magaaladda Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Ma jiraan illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya warkaasi, iyadoo illaa iyo haatan uusan maamulka Baydhabo ka hadlin dhacdadaasi.

Tuuladaasi waa halkii uu ku sugnaa Mukhtaar muddo laba sano ah tan iyo markii uu kasoo goostay kooxdaasi sanado kahor.

Dagaalo kharaar oo halkaasi uu kula galay xoogagii uu aas-aaskooda kamid ahaa ayaa keentay in uu dabayaqaada sanadkii 2017-kii isku soo dhiibay dowladda.

Isku dayo uu ku doonayo in uu siyaasada ku galo kadib heshiis uu la galay xukuumada ayaa fashilmay waxaana laga mamnuucay in uu ka qeybgalo doorashadda Koonfur Galbeed waana lasoo xiray.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in is-ugaarsigan labada dhinac ka dhex-bilowday uu halis gelin karo amniga gobolka isla markaana uu barakicin karo dadka.

Maleyshiyaadka Roobow oo lagu diyaasiyo tobanaan dagaalameyaal ah kuwaasi oo markii hore kasoo goostay Al-Shabaab lana baxay magaca Caaro-Caaro ayaa waxaa socda dedaalo loogu biirinayo ciidamada xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM