Isa soo dhiibe Al-Shabaab iskuna rogay laba wajiile oo la xukumayo

Image

BELEDXAAWO, Gedo – Maxkamada Ciidamadda Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxaa kasoo muuqdey isa soo dhiibe Al-Shabaab kaasoo lagu eedeeyay in uu kol dambe laba wajiile isku bedelay kadib soo goosashadiisa.

Farxaan Maxamuud Xasan, 26-jir ina Kaaho Cabdi Ibraahim ayaa maxkamadeyntiisa waxaa lagu soo gabagabeeyay Beledxaawo, halkaasoo saraakiisha maxkamada howlo shaqo u joogaan.

Xubno ka tirsan ciidanka dhar-cadka ayaa xeer-beegtada kusoo bandhigay qoraalo uu la wadaagay horjoogihiisa maleeyshiyadka hubeysan.

Xafiiska Xeer-ilaalinta oo Farxaan ku qeexay "nin khatar ku ah Umadda Soomaaliyeed isla markaana isticlaami kara wejiyo kala duwan" ayaa codsaday in lagu xukumo ciqaabta u qalanta, wallow aysan shaacin.

Dacwad-oogeyaasha ayaa si lamid ah waxay ku eedeeyeen Farxaan "in uu xogta ciidamadda la wadaagay Al-Shabaab kuna shirqoolay meel dhagar loogu maleegay," inkasta oo aysan si gaar ah u carabaabin kiis.

Qareenka difaacayey eedeysanaha ayaa dalbaday in xorriyadiisa loo celiyo Farxaan "maadaama uu sheegtey in uu isa soo dhiibay".

Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada ciidamadda Soomaaliya oo fadhiga soo xiray, ayaa xusay in ay go'aanka soo saarayaan.

Kiiska Farxaan ayaa sawir cad ka bixinaya isla markaana caddeyn u noqon kara in isa soo dhiibeyaasha Al-Shaabab aysan qaarkood daacad ahayn isla markaana ay leeyihiin hadaf ah in ay gudbiyaan macluumaadka ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM