Isbeddal lagu sameeyay shaqaalaha hay’addaha amniga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlwadeenada hay’addaha amaanka federaalka ayaa waxaa ku socda isbeddal joogta ah kadib weerarko gil-gilay todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho.

Sidda uu xogta ku helay Garowe Online, shaqaalaha qaarkood ayaa shaqada laga eryay, iyadda oo sababta loogu sheegay in ay qayb ka tahay dib u habeyn lagu sameynayo hay’adaha ay ka tirsanaayeen.

In ka badan 8 dhacdo oo loo adeegsaday qaraxyo gaari ayaa laga tabiyay Muqdisho kaliya bishaan Maaj, taasoo ay ku geeriyootay ku dhowaad 40 ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan tiradaasi.

Khuburada ayaa aaminsan in madaxda dowlada ay filan-waa ku noqotay sida ay Al-Shabaab maalinle uga dhigtay howlagaladooda caasimada, taasoo tooshka ku ifisay fashilka hay’addaha sirdoonka.

Shalay ra’iisul wasaare Khayre oo shir deg deg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda ayaa uu mid-mid uga dhageystay xalka amni darida magaala madaxda dalka ku yaala Geeska Afrika.

Dhowr illo wareed ayaa u dusiyay GO in inta badan wasiirada ay farta ku fiiqeen hay’adda sirdoonka, iyaga oo uu hoosta ka xariiqay in uusan jirin mukhaaraad la isku haleyn karo oo wajaha midka maleyshiyaadka.

Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhex-milmeen xubno ka tirsan cadowga, kuwaasi oo dusiya xogaha xasaasiga ah ee howlgalada u fududeyn kara argagixisada.

Mas'uuliyiinta ayaa isku raacay in howlgal saf balaaran leh laga fuliyo xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadda oo mid mid loo baarayo gaadiidka raaxada ah, lana xirayo qaar kamid ah jidadka caasimada.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada, Eng Yariisow, ayaa ka cod-saday shacabka in ay dulqaad muujiyaan inta ay socdaan howlgaladaasi oo uusan shaacin mudada ay soconayaan.

Isbedalka ku socda shaqaalaha hay’addaha nabad-gelyadda ayaa kusoo aadaya xili shalay taliska ciidamada milatariga uu badalay qaab dhismeedka hogaanka ciidanka, iyada oo lasoo kordhiyay taliye ku xigeen taliyaha ciidamada lugta.

Si lamid ah isbedal kan lamid ah ayaa dhacay kadib duulaankii lagu qaaday xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin wasaarado ay kamid tahay tan amniga, taasoo dhalisay kala shaki soo galay madaxda wasaarada iyo shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM