Isbedel lagu sameeyay bileyska garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamadda booliska Soomaaliya, Jeneraal Xijaar, ayaa waxaaa lagu waramay in saldhiga bileyska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos-geeyay taliska guud ee booliska gobolka Banaadir.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay la macno ah in taliyaha booliska gobolka Banaadir, Jeneraal Saadaq John, uu awood u leeyahay magacaabida, xil ka qaadista iyo howlgelinta saldhiga booliska madaar Aadan Cadde.

Wareegtadda Jeneraal Xijaar ayaan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadan oo timid xilli dalka ku jiro xaalad cakiran.

Lama ogga hadii isbedelkan uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo dowladda waqtiga ka dhacay rabto in ay ku cadaadiso mucaaradka diidan.

Saadaq John ayaa horey ugu lug-yeeshay weeraro lagu qaadey siyaasiyiinta dooneysa in ay xilka ka bedelaan madaxweyna muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo kaasoo in ka badan bil xilka ku jooga "si sharci daro ah".

Warbixino uusan wali xaqiijin warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dowladda waqtiga ka dhamaadey ay isbedelkan ugu sameysay saldhiga booliska gobolka Banaadir markii ay ku hungowday adeegsiga askarta AMISOM.

Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa todobaadkii hore isku dayey in ay ilaaladda ka reebeen Midowga Musharaxiinta intii ay ka qeybgalayeen Salaadda Janaazada ee madaxweynihii 4aad Cali Mahdi Muxumed.

Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; in uu diidan yahay qabashada doorashooyin daahfuran, wadahadalo laga yeesho khilaafka doorashooyinka iyo in uu ciidamadda siyaasadeeyay una adeegsanayo damaciisa gaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM