Isbedel lagu sameeyo heshiiska 17-kii September oo laga digay

Image
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa rumeysan in talaabadan "ay horseedi karto musuqmaasuq iyo xasilooni daro".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu ku daabacay Twitter-ka wuxuu kaga digay isbedel lagu sameeyo heshiiska 17-kii September.

Sharmaake oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa xubin ka tirsan Aqalka Sare balse 4-ta sano ee soo aadan aanan meteli doonin Puntland ayaa xusay in haddii ay dhacdo ay ka dhalan karto "cawaaqib-xumo".

"Heshiiska 17-kii September markiisa hore ayuu saxiixayaasha caqabad ku ahaa qaabka ay si maangal ah ugu dhaqan-gelinayaan. Hadda in diiradda la saaro isbedel lagu sameeyo iyaddoo la goobayo faa’iido farsamo waxay dhabaha u xaari kartaa musuqmaasuq hareeya doorashadda iyo xasilooni darro," ayuu ku yiri qoraal kooban oo English ku qornaa.

Dhawaqa Sharmaake ayaa kusoo aadaya iyaddoo lagu waddo in ay dhowaan Muqdisho ku kulmaan madaxda Soomaalida si ay uga arrin-sadaan geedi-socodka doorashooyinka ee ka bilowday guud ahaan dalka.

Garowe Online ayaa fahansan in suurtagal ay tahay in hogaamiyeyaasha Soomaalida ay wax ka bedelaan degaan doorashada xulista xubnaha Aqalka Hoose iyo ergada soo dooran doonta mudaneyaasha golaha shacabka.

Labadan qodob ayaa, haddii isbedelkan uusan imaan, waxay noqon karaa farqiga kaliya ee doorashadan kaga duwanaan doonto coddeyntii 2016-kii taasoo dalka ay ku hogaamisay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiska 17-kii September wuxuu xeerinayaan in Xildhibaanada lagu soo xulo laba degaan doorasho ayna soo doortaan 101 ergo halka 2016-kii lagu soo doortay hal degaan doorasho ayna soo xuleen ergo dhan 51 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM