​Isgaarsiinta Xarardheere iyo Hobyo oo dib usoo laabatay

Image

XARARDHEERE, Somalia- Waxaa dib usoo laabtay Adeegyada Isgaarsiineed ee Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo mudo Todobaad kahor Kooxda Al Shabaab Hawada ka saartay.

Qaar katirsan Dadka degan Hobyo iyo Xarardheere, ayaa Garowe Online u xaqiijiyay dib usoo laabashada Isgaarsiinta, waxayna sheegeen in Bulshada Deegaanadaasi si aad ah u saamaysay maqnaashaha khadka taleefoonka ee jarnaa.

Waxay sheegeen dadka aan la hadalnay in Al Shabaab u fasaxday Shirkadaha inay dib u howlgeliyaan adeegooda, iyadoo aan wali loo sheegin sababta markii hore loo joojiyay.

Balse, Al Shabaab ayaa markii hore khadka jartay, kadib markii ay bilowdeen dagaallo u dhaxeeya iyago iyo Xoolo dhaqato ka biyo diiday inay bixiyaan xoolo ay kooxdaas ugu yeertay Zeko.

Dagaalka labada dhinac ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Xarardheere, kuwaasi oo ay kamid yihiin Dumaaye iyo Dabagalo, waxaana lagu dilay in ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan Xubno katirsan Al Shabaab.

Ururkan xiriirka la leh Al-Qacida ayaa caadaystay inuu joojiyo is-gaarsiinta taleefoonada kadib markay cadaadis kala kulmaan reer guuraaga iyagoo ka walwalsan inay gurmadyo uga yimaadaan maamullada ay ka tirsanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM