​Isgaarsiinta Xarardheere iyo Hobyo oo dib usoo laabatay

Image

XARARDHEERE, Somalia- Waxaa dib usoo laabtay Adeegyada Isgaarsiineed ee Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo mudo Todobaad kahor Kooxda Al Shabaab Hawada ka saartay.

Qaar katirsan Dadka degan Hobyo iyo Xarardheere, ayaa Garowe Online u xaqiijiyay dib usoo laabashada Isgaarsiinta, waxayna sheegeen in Bulshada Deegaanadaasi si aad ah u saamaysay maqnaashaha khadka taleefoonka ee jarnaa.

Waxay sheegeen dadka aan la hadalnay in Al Shabaab u fasaxday Shirkadaha inay dib u howlgeliyaan adeegooda, iyadoo aan wali loo sheegin sababta markii hore loo joojiyay.

Balse, Al Shabaab ayaa markii hore khadka jartay, kadib markii ay bilowdeen dagaallo u dhaxeeya iyago iyo Xoolo dhaqato ka biyo diiday inay bixiyaan xoolo ay kooxdaas ugu yeertay Zeko.

Dagaalka labada dhinac ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Xarardheere, kuwaasi oo ay kamid yihiin Dumaaye iyo Dabagalo, waxaana lagu dilay in ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan Xubno katirsan Al Shabaab.

Ururkan xiriirka la leh Al-Qacida ayaa caadaystay inuu joojiyo is-gaarsiinta taleefoonada kadib markay cadaadis kala kulmaan reer guuraaga iyagoo ka walwalsan inay gurmadyo uga yimaadaan maamullada ay ka tirsanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM