"Kacdoon shacabka ku diidan yahay" Farmaajo oo bilowday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo ayaa Talaadada maanta ah ka bilowday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Isu-soo-bax oo hal-ku-dhigiisu yahay "Farmaajo dooni mayno, kaligiis-taliye dooni-mayno iyo doorasho diide dooni mayno" waxaa la sheegay in uu soo abaabulay mucaaradka.

Boorarka ay wataan rayidka dibadbaxa dhigay waxaa erayada ku xardhan kamid ahaa "Kacdoon shacab" iyo "Canshuur-bixiyeyaal dulman"

Banaanbaxayaasha oo dalbanaya in doorashooyinka 2020-21 ay noqdaan ayaa wata boorar ay ku xardhan yihiin qoraalo ay kamid yihiin "dooni mayno doorasho la boobay oo sababta barakac".

Xukuumadda federaalka ah ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaala madaxda waxay ku daadisay ciidamo wata gaadiidka gaashaaman kuwaasoo badankooda wataan gafuur-xir.

Warbixinadda ayaa intaas ku daray in ciidanka ay rasaas ku fureen dadweyne degmada Yashid ee gobolka Banaadir kaga qeybgaleyey dibadbaxa. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dhacdadaas.

Afar qof ayaa ku dhaawacantay iska-hor-imaad askarta dowladda iyo ciidan kale oo ilaalinayey banaanbaxyaasha ku dhexmaray isgoyska Fagax ee magaaladda Muqdisho, sidda ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal.

Dowladda Federaalka ah ayaan wali wax war ah kasoo saarin banaanbaxa oo kusoo hagaagay xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 uu meeshii ugu sareysay gaarey.

Guddiyadda maamulaya coddeynta, ciidanka dowladda geysay gobolka Gedo iyo habraaca xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ah qodobadda la isku hayo kuwaas oo xalkooda aan wali la gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM