Bulshada Rayidka: Is-aamin-daradii wali lagama gudbin

Image
Is-qabqabsiga ka dhashay habraaca doorashooyinka ayaa banaanka keentay qodob ay tahay in xal loo helo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisada ka dhalatay habraaca doorashooyinka ayaa banaanka keentay in wali hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya aysan ka gudbin is-aamin-daradii, sida ay sheegtay bulshada rayidka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Isu-tagga bulshada rayidka ayaa looga digay in is-aamin-darada ay sii jiri doonto haddii madaxda golaha wadatashiga qaranka aysan geedi-socodka doorashooyinka ka dhigin mid daahfuran.

"Waxaa wali muuqata in aan laga gudbin is-aamin-daradii ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee dib-u-dhaca ku sameeyay doorashooyinka mana muuqato in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka xal u heli karaan haddii aysan geedi-socodka doorashooyinka ka dhigin mid daahfuran," ayaa lagu yir nuqul kamid ah bayaanka.

Bulshada rayidka oo cambaareysay "caqabadaha la hor-dhigay xuquuqda muwaadinka u leeyahay ka qeybgalka doorashooyinka" ayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka ku eedeeyay "ku takrifal-siyaasadeed".

"Waxaan aaminsanahay in habraaca ay soo saareen golaha wadatashiga qaranka uu meesha ka saarayo doorka Bulshada Rayidka ee xulista iyo hubinta ergada taasoo meesha ka saareysa daahfurnaanta," ayay xuseen.

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ayay ku taageereen in habraaca soo baxay uu u baahan yahay dib-u-eegis. Kulamo dhinacyadu dhexmaray waxay u saareen guddi oo soo dhiraan-dhiranaya qodobada la duray.

Ugu dambeyntii, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayay cod dheer ugu booriyeen in ay diiradda saaraan sidii waddanka uga qabsoomi lahayd doorasho natiijadeeda la ogol-yahay oo aan horseedin jahwareer.

Hoos ka akhriso qoraalka Bulshada Rayidka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM