Bulshada Rayidka: Is-aamin-daradii wali lagama gudbin

Image
Is-qabqabsiga ka dhashay habraaca doorashooyinka ayaa banaanka keentay qodob ay tahay in xal loo helo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisada ka dhalatay habraaca doorashooyinka ayaa banaanka keentay in wali hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya aysan ka gudbin is-aamin-daradii, sida ay sheegtay bulshada rayidka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Isu-tagga bulshada rayidka ayaa looga digay in is-aamin-darada ay sii jiri doonto haddii madaxda golaha wadatashiga qaranka aysan geedi-socodka doorashooyinka ka dhigin mid daahfuran.

"Waxaa wali muuqata in aan laga gudbin is-aamin-daradii ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee dib-u-dhaca ku sameeyay doorashooyinka mana muuqato in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka xal u heli karaan haddii aysan geedi-socodka doorashooyinka ka dhigin mid daahfuran," ayaa lagu yir nuqul kamid ah bayaanka.

Bulshada rayidka oo cambaareysay "caqabadaha la hor-dhigay xuquuqda muwaadinka u leeyahay ka qeybgalka doorashooyinka" ayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka ku eedeeyay "ku takrifal-siyaasadeed".

"Waxaan aaminsanahay in habraaca ay soo saareen golaha wadatashiga qaranka uu meesha ka saarayo doorka Bulshada Rayidka ee xulista iyo hubinta ergada taasoo meesha ka saareysa daahfurnaanta," ayay xuseen.

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada ayay ku taageereen in habraaca soo baxay uu u baahan yahay dib-u-eegis. Kulamo dhinacyadu dhexmaray waxay u saareen guddi oo soo dhiraan-dhiranaya qodobada la duray.

Ugu dambeyntii, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayay cod dheer ugu booriyeen in ay diiradda saaraan sidii waddanka uga qabsoomi lahayd doorasho natiijadeeda la ogol-yahay oo aan horseedin jahwareer.

Hoos ka akhriso qoraalka Bulshada Rayidka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM