Itoobiya oo safiir cusub u soo dirsatay Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Itoobiya ayaa Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan u soo magacowday in uy noqdo safiirkeeda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna bedelayaa Jalaaludiin Cumar.

Danjiraha cusub waxaa maanta waraaqaha ka guddoomay wasiirka arrimaha dibada xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar. Isbedelkan wuxuu kusoo aadayaa xilli dalku wajahayo qalalaase doorasho.

"Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Axad ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa carabaabay yididiillada uu ka qabo in Safiirka cusub uu guul ka gaaro howlaha loogu igmaday Soomaaliya oo faa'iido u ah xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada si looga faa'ideysto fursadaha iskaashi".

"Waxa uu sidoo kale bogaadiyay wada-tashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa heer caalamiga ah ee ka tarjumaya danta guud," ayaa lagu daray.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka sugan ee dalkiisa ee taageeraya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahihiisa dowliga ah, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya iyo hamigiisa ah inuu horumariyo xiriirka dhow iyo howlaha isku duwid ee taabagelinaya danaha labada dal, korna u qaadaya iskaashiga laba geesoodka ah".

Itoobiya ayaa kamid ah wadamada gacansaarka dhow la leh maamulka Farmaajo ee waqtiga ka dhacay kaasoo wajahaya eedeymo ku saabsan in uu diidan yahay qabashadda doorashooyin daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM