Itoobiya oo u kala dab qaadeysa Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa bilowday dadaalo ay ku dooneyso in ay waan-waan ugu sameyso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kuwaasoo haatan uu khilaaf ka dhaxeeyo.

Khilaafka labada dal oo bishii hore soo cusboonaaday ayaa salka ku haya muran dhul badeed gaar ahaan goob qanni ku ah Saliid iyo Gaas.

Xiisadaasi oo aan wali xal laga gaarin ayaa soo dedajisay in Kenya ay soo eriday danjiraha Soomaaliya ayna u yeerato wakiileeda Muqdisho.

Xukuumada Nairobi ayaa ku eedaysay dhigeeda Muqdisho in shir ay ku qabatay London bishii hore ay beec-geysay Shidaal ku jira goobta ay isku haystaan.

Hasayeeshee, dowlada federaalka ah ayaa garabka ku dhufatay eedayntaasi, waxayna dalbatay in laga war-dhowro go’aanka maxkamada cadaladda aduunka.

Kenya ayaa la fahansan yahay in ay dooneyso in muranka lagu xaliyo qaab hoose, iyada oo cadaadis diblumaasiyadeed saartay Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo la filayaa in saacadaha soo socda ay ka degaan magaaladda Nairobi ayaa la kulmaya Uhuru Kenyatta.

Ka hor socdaalkooda Nairobi, waxaa Jimcadii iyo Talaadada maanta ah si yaabo gooni-gooni ah u tegay Addis Ababa hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Illo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Abiy Axmed ay kulamadaasi uga soo baxeen natiijo wanaagsan oo uu horey ugu sii wadi karo isku dayadiisa xal raadinta.

Tani macnaheedu waxay tahay in madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay aqbaleen soo jeedinta Abiy oo ku aadan in uu u kala dab-qaado.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey wacad ugu martay in aanu marnaba gor-gortan ka galayn arrimaha badda, ayna ka war-dhowreyso xukunka ICJ.

Lama ogga waxa iska bedali doono mowqifka Madaxwayne Farmaajo inta uu socda kulamada uu qaadan doono dhigiisa Kenya iyo Abiy Axmed.

Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkaan ay go'aan kama dambeys ah kasoo saarto kiiskaan, iyadda oo wareegii koowaad ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwadda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SOCDAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM