Jaaliyada Somalida Australia oo xaflad u sameysay Musharax Farole

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MELBOURNE, Australia- Jaaliayada Somalida ee wadanka Australia ayaa xaflad sagootin ah magalaada Melbourne ugu sameysay musharaxa maaxweynaha Somaliya islamarkaana ahaan jirey Madaxweynaha Puntland Candiraxman Maxamad Maxamud Farole.

Xafladaan oo aheyd mid aad loo soo agaasimey ayaa waxaa hadalo ka jeediyey tageero ah qaybaha kala duwan ee bulshada  kasoo qayb gaashey. 

Munaasabadaan oo ay kasoo qayb galeen guud ahaan Jaaliyada Somalida ee Australia ayaa musharax Farole ku sheegey rabitaankiisa siyaasadeed ee xilkaan taasoo uu sheegey in ummada Somaliya ka  khasartey Afar Sano oo Xasan Sheekh ah madaama uusan waxba ka qaban balan qaadyadii iyo qodobadii Dastuurku farayey.  

Farole ayaa khudbada uu ka jeediyey xafladaan kusoo bandhigey qorshiihiisa waxqabad hadii xilkaan loo doorto isaga oo sheegey in horey loo soo tijaabiyey. 

Doorashada madaxtinimo ee Somaiya ayaa la filayaa in la qabto dabayaaqada sanadkaan iyadoo xilkaan u tartamayaan siyaasiyiin badan kuwasoo uu kamid  yahay Madaxweyne Xasan Sheekh. 

GAROWEONLINE  ayaa idiin soo gudbin doona maqal iyo muqaal khudbadaha xafladaan.

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM