Jaamacada Carabta oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida

Image

QAAHIRA, Masar - Ururka Jaamacadda Carabta oo sheegay in uu si dhow ula socd is-mar-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wadahadal deg-deg ah ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay ururka, wadaxaajoodka waa in ay noqdaan kuwa miradhal ah isla markaana is-faham buuxa looga gaaro khilaafka ragaadiyey coddeynta heer federaal.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay doonayaan in Soomaaliya ay mar-xaladan kala guurka ee xasaasiga ah ay uga baxdo qaab nabdoon ayna ku imaan karto wadahadal dhexmara hogaanka.

"Hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u kulmaan si ay waddanka uga gudbiyaan isgoyskan qaan nabdoon," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Jaamacadda Carabta ayaa ku biireysa dalal iyo ururo caalami ah kuwaas oo walaac ka muujiyey mar-xalada ay haatan ku jirto Soomaaliya kana digay qabsoomida doorashooyin hal dhinac ah.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa todobaadkii hore shaaca ka dhigay in madaxda Soomaalida muhiim ay in danta dadka iyo dalkaba ay uga tanaasulaan danahooda shaqsiga ah.

Qaylo-dhaanta daneeyeyaasha caalamiga ah ayaa kusoo hagaagtay ka gedaal markii muddo xileedka madaxweyne Farmaajo uu dhamaadey 8-dii Febraayo iyaddoo aan laga heshiin coddeynta xigta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM