​Jaamacadda PSU oo soo bandhigtay buug ka hadlaya musuq-maasuqa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa hoolka shirarka jaamacadda Puntland State University (PSU) lagu soo bandhigay buug ka hadlaya noocyada musuq-maasuq ee ka jira deegaanada Puntalnd, taasoo jaamacaddu baaritaan ku samaysay.

PSU, ayaa diiradda saartay, dhibaatooyinka ka dhalan kara musuqa iyo siday u arkaan bulshada ku nool deegaanada Puntland ee xog aruurinta laga sameeyay.

Musaabad lagusoo bandhigayay buuggan, ayaa waxaa soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Puntalnd ,Masuuliyiin kale oo ka socota qaybaha kale ee dawladda, Hay’addo maxali ah, Ururada bulshada, Maamulka sare ee jaamacadda, Ardayda iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha jaamacadda PSU Maxamud Xamid Maxamed ayaa sheegay inay aad u adagtahay in dal ku yaalla qaaradda Africa cilmi baaris lagu sameeyo Musuqa, balse iyagoo taas garowsan ay ku dadaaleen sidii ay wax uun uga iftiimin lahaayeen.

Mas'uuliyiin iyo qaar kamid ah bulshada lagu casuumay bandhigan, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin tallaabada jaamacaddu qaaday, iyagoo xusay inay wax ka badali doonto dhinaca hormarka iyo yaraynta musuqa ka jira Puntland.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntalnd Abshir aw -Yuusuf Ciise ayaa sheegay in jaamacadda PSU wax weyn ay qabatay, isagoo tilmaamay in waxa aduunka ugu weyn ay tahay cilmibaarista .

Mudane aw-Yuusuf, ayaa xusay in cilmi baaris kasta oo la sameyo ay meel dawo u tahay isoogana ugu baaqay in jaamacaddaha kale ee dalka ay baritaano ku qotoma waxyaabaha dadweynuhu u baahanyahay.

Dalka Somalia, ayaa safka hore uga jira waddamada ugu musuqa badan dunida.

HALKA KA AKHRISO BUUGGA AY JAAMACADDU KA QORTAY MUSUQ-MAASUQA KA JIRA DEEGAANADA PUNTLAND

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM