Jabuuti oo beenisay inay eedeyn u jeedisay ciidanka Itoobiya

Image

25 August, 2015 (GO)-Taliska ciidanka xoogga dalka Jabuuti ayaa beeniyay war ay tabiyeen qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida kaasoo ahaa in taliyaha ciidanka dalkaasi ee ku sugan gobolka Hiiraan uu eedeyn u jeediyay ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka.

Taliyaha ciidanka Milateriga Jabuuti Generaal Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay inaanay eedeyntaasi ahayn mid ka timid Wwasaaradda gaashaandhigga Jabuuti ama hoggaanka sare ee ciidanka dalkaasi.

Sakariye ayaa intaas ku daray in labada ciidan ay leeyihiin hal u jeeddo oo ah inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo kala dambaynta Soomaaliya, balse aysan wadan dano kale.

Eedeynta ayuu ku tilmaamay mid lagu doonayo in kalsooni darro laga dhex abuuro labada ciidan, lana carqaladeeyo hannaanka Nabadda Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM ee Waaxda Afaraad.

Dhawaan ayay ahayd markii Kornayl Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ku sugan Gobolka Hiiraan uu sheegay inay Soomaaliya ku sugan yihiin ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM, wuxuna xusay in looga baahan yahay dowladda Soomaaliya inay qeexdo doorka ciidanka Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM.

 

Garoweonline.com

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM