Jabuuti oo guddi u dirtay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

DJABUUTI, Jabuuti – Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay u dirtay guddi xaqiiqo raadin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya si ay u raadiyaan qaabab lagu qaboojinayo xiisada u dhaxeysa labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti, Maxamuud Cali Yussuf, ayaa sheegay in kooxdan oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin loo diray magaalooyinka xuduuda ee Beled Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee dalka Kenya si ay u soo qiimeeyaan xaalada.

Jabuuti waxaa loo xil saaray intii uu socday shirkii IGAD ee dhawaan inay ka door ka cayaarto dejinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay maleeshiyo taabacsan maamulka Jubbaland ay ku diyaarisay magaalada Mandheera si ay u weeraraan saldhigyada ciidamada Soomaaliya ee Beled Xaawo.

Kenya iyo Jubalnad way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay ayaga oo ku qeexay kuwa salka ku haya dano shaqsiyadeed.

Labada dhinacba waxay ciidan soo dhoobeen xadka taasoo sare u qaadaysa cabsida ay qabaan dadka ku nool gobolka kuwaasoo sheegaya in ay ka walwalsan yihiin dagaal gebi ahaanba ka qarxo labada dal.

Maamulka Farmaajo oo ciidamadda geeyay gobolka Gedo ayaa damacsan in uu soo saarto Xildhibaano taageersan doorashada soo aadan balse waxaa qorshahaas kasoo horjeeda maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM