Jabuuti oo iska fogeysay in ay "xanibtey" Fahad Yaasiin Daahir

Image
Rakaabka duulimaadka Turkish Airlines ee ku wajahnaa Muqdisho ayuu xusey in ay raacayaan diyaarad kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Jabuuti ayaa shaacisay in rakaabka duulimaadka Turkish Airlines ay Muqdisho ku tagi doonan diyaarad kale oo ay kasoo raacayaan magaalada Istanbul halkaasoo dib loogu celiyey.

Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda dalkaas oo si kooban uga falceliyey eedeyntaas, ayaa beeniyay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee ka timid Villa Soomaaliya.

"Waxaan sii wadi doonnaa in aan garab istaagno walaalaheenna Soomaaliya laakiin marnaba ma faragelinno arrimahooda gudaha," ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka.

Yuusuf ayaa caddeeyay in dib-u-dhaca duulimaadka Turkish Airlines ee uu saarnaa Fahad ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan tafaasiil dheeraad ah ka bixin ciladaas.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa goor sii horeysay waxay sheegtay in Jabuuti ay "xanibtey" safarka agaasimihii xilka laga qaadey ee hay'adda sirdoonka qaranka iyo saraakiil wehlisa.

Villada ayaa dhacdadaas waxay ku tilmaamtay "xadgudub ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah" uguna baaqdey in ay u fududeyso socdaalkooda.

War-saxaafadeedka oo lagu faafiyey ciwaanka mareega Facebook-ga ee afhayeenka Farmaajo ayaa intaas wuxuu ku darayaa in Jabuuti "ay qaadeyso mas'uuliyada wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM