Jadwalka cusub ee doorashada Koonfur Galbeed lasoo bandhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga cusub doorashadda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu soo bandhigay jadwal horleh oo ay ku qabanayaan coddeynta loo balamay 28-ka bishaan November ee sanadka 2018.

Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, murashaxiinta oo laga doonayo mid kasta aduun dhan 20 milyan oo Dollar, waxay mar kale is-diiwaan gelin doonan 22-23 bishaan, oo ah labo maalin.

Murashaxiinta ayaa waxay jeedin doonan khudbadahooda 25-ka bishaan, xili mid kasta laga rabo inuu Gollaha Wakiiladda horkeeno 200 nuqul oo kamid ah Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu doonayo in lagu doorto.

Sida ku cad warqada, 24-ka iyo 26 illaa iyo 27 bishaan November, Guddiga ayaa wuxuu qaban doonan shaqooyin isugu jira kulamo iyo fallaqeyn ay wehliso is-xogwareysi coddeynta qusaysa, iyo kormeerida goobta doorashada ka dhacayso.

Doorashada dowlad goboleedkaan oo sanadkaan ka xamaasad badan kuwii hore ayaa waxaa ku loolamaya Villa Somalia iyo Mucaaradkeeda, kuwaasi oo murashaxiin siyaasada dalka saameyn ku leh dirsaday.

Madaxda dowlada dhexe, oo Shariif Xasan Aadan, kaasi oo is-casilay horaanta bishaan ka saxiixday inay maamusho doorashada, ayaa lagu eedaynayaa inay faragelin ba'an ku hayso codbixintaan maalmaha ay ka harsan tahay inay qabsoonto.

HOOS KA AKHRI WARQADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM