Jadwalka dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey

Image

THE HAGUE, Holland - Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay ICJ ayaa lagu soo bandhigay taariikhda, saacadda, maalinta iyo wadan kasta maalinta uu doodiisa gudbin doono.

Soomaaliya ayaa, sidda ku xusan bayaanka, waxay qaadaneysaa maalinta koowad iyo labaad oo ah wareega koowaad ee gar-maqalka.

Dhageysiga dacwadda oo ah fadhigii ugu dambeeyay ee ICJ ka yeelato kiiskan ayaa bilaaban doonta 15-ka bisha March ee sanadkan 2021.

Jadwalka ayaa ah sidda soo socota

1- Wareega Koowaad

Axad, 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Soomaaliya)

Talaado, 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Soomaaliya)

Khamiis, 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Jimce, 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya)

2- Wareega Labaad.

Axad, 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Soomaaliya)

Arbacadda, 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Dood afeedkan kadib waxaa lagu waddaa in ICJ ay go'aan kama dambeys ah oo aan rafcaan lahayn ay kasoo saarto kiiskan soo bilowday bishii Agoosto sanadkii 2021-kii.

Xukunka ay ICJ ku riddo kiiskan ayaa noqon doono mid kama dambeys ah oo aan rafcaan laga qaadan karin, iyaddoo waddankii dambigaku cadaada uu bixin doono magdhow lacageed oo aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM