Jadwalka dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey

Image

THE HAGUE, Holland - Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay ICJ ayaa lagu soo bandhigay taariikhda, saacadda, maalinta iyo wadan kasta maalinta uu doodiisa gudbin doono.

Soomaaliya ayaa, sidda ku xusan bayaanka, waxay qaadaneysaa maalinta koowad iyo labaad oo ah wareega koowaad ee gar-maqalka.

Dhageysiga dacwadda oo ah fadhigii ugu dambeeyay ee ICJ ka yeelato kiiskan ayaa bilaaban doonta 15-ka bisha March ee sanadkan 2021.

Jadwalka ayaa ah sidda soo socota

1- Wareega Koowaad

Axad, 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Soomaaliya)

Talaado, 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Soomaaliya)

Khamiis, 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Jimce, 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya)

2- Wareega Labaad.

Axad, 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Soomaaliya)

Arbacadda, 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Dood afeedkan kadib waxaa lagu waddaa in ICJ ay go'aan kama dambeys ah oo aan rafcaan lahayn ay kasoo saarto kiiskan soo bilowday bishii Agoosto sanadkii 2021-kii.

Xukunka ay ICJ ku riddo kiiskan ayaa noqon doono mid kama dambeys ah oo aan rafcaan laga qaadan karin, iyaddoo waddankii dambigaku cadaada uu bixin doono magdhow lacageed oo aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM