Jadwalka labaad ee guddiga la isku hayo oo fashil ku dhow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jadwalkii labaad ee uu soo saaro guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay ayaa qarka u saaran in gabi ahaanba uu burburo maadaama xilliga kama dambeysta ah ay maanta ku beegan tahay.

Guddigan ay magacaabatay xukuumadda balse ay ka hor-yimaadeen maamulada qaar, musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa 5-ta Janaayo u asteeyay qabashada arjiyadda Musharaxiinta Aqalka Sare.

Bishii hore ee Decemebr 29-keeda sanadkii hore 2020 ayay soo saareen go’aankaas ayaga oo xusay in ay la wadaageen maamulada waddanka.

Taariikhdaas ayay muddeeyeen ka gedaal markii ay isbedel ku sameeyeen jadwalkii koowaad oo xeerinayey in doorashada Aqalka Sare la qabanayo inta u dhaxeysa 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021, waxaana ay u bedeleen 7-14 Janaayo 2021 – taas oo aan aysan kala caddeyn hadii uu u hirgeli doono.

Isbedelka jadwalka ayay u cuskadeen codsi ay sheegeen in uu kaga yimid madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Qoor-qoor iyo madaxweynaha Puntland, Deni, oo ku shiray Gaalkacyo, ayaa kawada shaqeynaya xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka gaar ahaan qodobo ay kamid yihiin guddiyada iyo ciidanka ku sugan gobolka Gedo.

Dib-u-dhac markii labaad ku yimid jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka lagu muransan-yahay ayaa tusinaya sidda aan loogu wada qanacsaneyn shaqadooda loona baahan yahay in isbedel lagu sameeyo ama la kala diro.

Hasa ahaatee, Maxamed Xasan Cirro, gudoomiyaha guddiga doorasho ee lagu muransan yahay oo u waramay Dalsan Tv, ayaa sheegay in dib-u-dhaca ay sababta u tahay in ay socdaan dedaalo lagu xalinayo khilaafyadda taagan.

Maamulada qaar, musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa soo jeediyey in guddigan la kala diro "maadaama ay ku jiraan xubno ka tirsan hay'adda NISA, taageereyaasha Farmaajo iyo shaqaale dowladeed".

Hoos ka akhriso jadwalkii hore

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM